November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Barlamaanka Somaliya oo wajigabax ku riday raiisal wasaare Cumar C/rashiid: Sababtu waa maxay!!!

unnamed-15[1]Muqdisho 15 Jan 2015–Barlamaanka dawlada Somaliya ayaa wajgabax ku riday raiisal wasaaraha cusub ee Somaliya Cumar C/rashiid kulan ay maanta u fadhiisteen iyadoo raiisal wasaaruhu soo gudbiyay codsi ay si toosa u diideen xildhibaanada barlamaanka o dareensan in ay tahay waqti lumis.

Raiisal wasaraha ayaa dalbaday in muddo loogu daro soo horkeenida wasiirada la magacaabay golaha barlamaanka lagana dhigo bisha 22-keea taas oo barlamaanku u arkay waqti kordhin loo samaynayo wasiiro la diidan yahay.

Xasan Culusow ayaa wasiiro hore u dhicisoobay ku soo daray golihiisa barlamaanka waxana jira xildhibaano diidan. Golaha wasiirada ayaa hortagaya barlamaanka si loo ansixiyo malinta sabtida ee bishu tahay 17.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS