Waxaynu ognahay in dalkan Somaliland leyahay Dastuur iyo nidaam sharci oo ka shaqeeya balse hanaanka Qabaligu uu ka xooganyahay midka sharci meelo badan. Hadeynu dib isku xasuusino Aas’aaskii Jumhuuriyadda Somaliland iyo Shirkii Boorama ee lagu dhisanayey Dawladnimada Maanta jirta.
Dadka reer Somaliland ee darifyadda xiga iyo midda dhexe ka hor shirkaasi waxaa dhex marey Dagaalo sokeeye. sidoo kale in mid kamida Beelaha Somaliland Garab iyo Ciidan ey ka heshey MINGISTE XAYLE MARYAM ku weerartey kuna Qabsatey kuwii kale. iyadoo taasi dhacdey waxaa leysku afgartey in wixii dhacay ee leyska diley la ilaawo lanna heshiiyo, maxaa yeeley Beelaha kale wey karayeen iney Aargutaan laakin Baaqa nabadeed ee ka soo baxdey midii gardarneyd ayaa noqotey mid leysku afgarto leyskuna cafiyo, marti qaadka halka gogosha lagu fidiyeyna noqotey BURCO.
waxaa bilaabmey intaa dabadeed in Shirar loo qabtey Somalia dhamaan Beelihii wada daganaa, Balse Reer Somaliland ey ogaaden ineyna wax dheefa ugu jirin midow dambe, iclaamiyeena shir leysugu yimaado BOORAMA laguna dhisto dawladnimo.
Hadaba maalintaa illaa Eega waxaa lawadaa sii dhameystirkii wixii lagu heshiiyey ee aheyd dawlad lawada leeyahay kamid noqota dawladaha caalamka, ayaa waxaa jira Eega in mid kamida Beelihii kuwada heshiiyey ey kalideed Atoore ka noqoto intii duxlaheydna isku koobtey, taasi oo sii daba dheereysey dhiiranaantii iyo dabacsanaantii Beesha Caalamka u heysey sii yaraaneysa.
Dalku wuxuu leeyahay Xuduudo fara badan iyo Kastamyo leysu cashuuro balse Kastamyada Dagmada SAYLAC waa mid ka duwan Gabi ahaanba kuwa kale ee dalka oon Anigu laftigeygu wada marey laakiin maan arag mid lamida midka Lawya’cado. weynu ogeyn in arin ka dhacdey Lawya’cado Qof Patient ahi is hor istaag maamulka kastamku Awgii u geeriyoodey. sidoo kale in dadkii Abaartu daashatey lagu yidhaa lacag bixiya $31 hadii kale ma gali kartaan Jabuuti. sidoo kale dadka xataa haysta NATIONAL IDENTITY CARD lagu yidhaa lacag i maqashii kanna jeebka ku rido ama lacag uun mooye wax kale mayaqaani. Kastamka Lawya’cado muyuuna lamid aheyn kuwa kalee dalka, Dalka Jabuuti tagistiisu ama kasoo bixistiisu miyuuna la mid ahey kuwa dalalka eynu jaarka nahay ee ETHIOPIA iyo SOMALIA; mise waa mid lagu cunaqabateynayo dadka Reer Salal.
waxay sifiican uga wada dharagsan nahay in Gobolo Cusub lamagacaabey kuwaasi oo dadka degen ey maamulaan meel kasta sida:
- MAAMULADA KASTAMYADA,
- MAALIYADA,
- SARAAKIISHA SOCDAALKA mida BADDA mida QAYBAHA DEGMADA IYO GOBOLKA,
- Xattaa Shaqaalaha Hoose
- Gobolka SALAL waxa uu ka mid yahay Goboladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxase uu dheer yahay in dadka loo soo magacaabayi ey yihiin dad kale oo Gobole kale kasoo jeeda, HAA xaqbey u leeyihiin iney ka shaqeeyaan laakiin dadka Reer SALAL sidoo kale kama shaqeeyaan Gobolada dadkaasi laga keeney ama wax isku badala laguma sameynin. waxa usii dheer Gabi ahaanba dadkiisu wax xuquuqa ooy ka helaan Xukuumad iyo Dawladba eysan jirin wxaa ka mida:
- In wixii arimo maamul ah eysan Xukuumadu hoos u eegin sida Eega jirta kana midka yahay cabashada ninka loo yaqaan FAYSAL MAGAFE & FU’AAD iyo Cuqaal iyo shacbiba ka qaylyayaan.
- Shantii Sano ee u dambeeyey waxaa ku soo Noqnoqonayey Abaaro aad u daran oo dad iyo duunyoba ku leedeen taasiyoo wax muuqda eysan Xukuumadu ka geysan BIYO iyo BAADBA.
- in Gobolku ka Qatan yahay Sanduuga SOMALILAND DEVELOPMENT FUND { SDF } sida labadii sanno ee hore ABAARTU aadka u kululey aan wax Gargaar BIYO iyo BAAD nafle loogu fidinin dadka.
- Magaalada SAYLAC oo ah Caasimada Gobolkani ooy Baddu fara baas ku hayso wax Qorsha ah ama PROJECT biyaha Badda lagaga qabto oo SDF looga diyaariyey eysan jirin.
- in intii Dhiig joojin loo sameyn lahaa dadka Gobolkani ku nooli wali lagu hayo cadaadis iyo Cuno Qabateyn dhinac kaste, ayadoo looga baran dadka Gobolkani iney soo fadhiistaan Warbaahinta kana dhiibtaan dhibta haysata iyo dareenkooda.
Abdilahi844@gmail.com 00252634407722 Qalinkii: Abdilahi Hassan Abdilahi ( Eng. Daadax
Hadaba waxaan Baaq u dirayaa Madxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Dr. Axmed Maxmed Maxamuud Siilaanyo ” Mudane madaxweyne waxaan kaa cod saneyaa hadaan ahay mid kamida Aqoonyahanada Gobolkani u dhashay inaad wax ka qabato Amuurahan kor ku xusan”.
Wabilaahi Tawfiiq
Qalinkii: Abdilahi Hassan Abdilahi ( Eng. Daadax )
Abdilahi844@gmail.com
00252634407722
More Stories
Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa oo ninkeedu ka maqnaa
Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda
Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI