November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Allaha u naxariistee fanaankii weynaa Maxamed Axmed Kuluc oo Hargeysa ku geeriyooday

KULUCFanaankii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa halkaas oo fanaanku ku xanuusanaa in muddo ahba. Fanaanka ayaa ku geeriyooday isbitaalka magaalada Hargeysa.

Maxamed Axmed Kuluc ayaa lahaa taariikh faneed oo u balaadhan wuxuuna ka mid ahaa fanaaniintii xoriyada dalka qayb weyn qaatay una heesayay xoriyada iyo calanka.

Wuxuu ku jiray ruwaayado kuwii loogu jeclaa xilliyadii lixdamadkii todobaatanaadkii ilaa sideetankii inkastoo fanaanku burburkii dalka kadib in muddo ah ku noolaa dalka Ingiriiska.

Maahayn fanaan taariikhdiisa looga sheekayn karo hal bog waxana dhimashadiisa ka tacsiyaysay ummada Somaliyeed.

ARAABINEWS