November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Faysal C. Waraabe ma afkuu ku ciil bixi cidluu ka han-jabayaa by Abdi Mustafe

Faizal hadal bad-naantu wax wal ba way ka yeedh siisay. iminka wuxuu marayaa in uu komishanka doorashooyinka dhex dooda ka yidhaa hadaa A/rahman Ciro ka joojin waydaan gawaadhida badan uu diiwaan gelinta u kaxaysto xabad baan ku dhufanayaa.
Cidiba kama shakido Faizal in uu beri hore waashay kuna khafiifay A/rahman Ciro. Faizal wuxuu u baahanyay in wadaado loo geeyo oo intaannu marada dhigan diin la saaro ama loo geeyo habar sarlay ah oo ka tunta jinka ku jira.
Faizal haduu sidan ku sii socdo waxa lagama maar maan noqonaysa intaannu Bridge ka Hargiesa iska tuurin in la qabto oo sil-silad adag lagu xidho aqal hoostii.
Faizal caafimaad ka dheer oo waakaa isagoo komishanka la fadhiya hadana denbiga is gelinaya ee le cid baan xabad ku dhufanayaa. Faizal markuu siyaasada ku saaqaday ayuu asqoobay oo wax waliba afkiisa ka soo baxaan.
Jamaal iyo A/rasheed wax aannu ku odhani ma jirto. Faizal si dub-jir nimo ah ayuu u hadlaa oo astaan u noqon karta in aannu maskaxiyan fayoobayn.
Faizal nin aannu arkiba karayn oo durba madaxweyne bulshadu u aqoonsantay oo aannu ayuu u hanjabayaa. Hawshii xisbiga ucid baa u taala intuu kola warbaahinta ka caytamayo kola cidla ka hanjabayo.
Faizal waxaan leeyey A/rahman Ciro ha isku soo jeedin mahadin maysid e oo ama ucid soo tartan geli ama orod Finland fuudka ku cab.

BY ABDI MUSTAFE