20/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Garoonka Gaalkacayo iyo sida loo baaro dadka ka dhoofaya: SAWIRO

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka guud ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo, iyadoo gudaha iyo banaanka sare ee Garoonka lagu arkayo ciidamo aad u farabadan oo xaqiijinaayo amaanka.

Garoonka ayaa waxaa la dhigay qalabka lagu baaro dadka iyo boorsooyinka, waxaana sidoo kale la amray in dadka wata Boorsooyinka lagu adkeeyo baaritaanka si aan u dhicin fal argagixiso. Dadka ka dhoofaayo Garoonka ayaa inta aysan dhoofin la amray inay maraan ku dhawaad 7 goob oo la sheegay in lagu sii baarayo iyaga iyo Boorsooyinka ay wataan.

Maareeya Garoonka ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin Moobeelada iyo Computarada laabtoobka, waxa uuna sheegay in dad gaar ah loo tababaray ka hortaga weerar argagixiso.

Garon1

Garon2

Garon3

Garon4

Garon5

Garon6

Garon7

Garon8

Garon9

Garon10

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS