15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

War deg dega: xasuuq laga badbaadiyay shacabka Muqdisho oo ay wadeen argagixisada shabaab: SAWIRO

Ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo gacanta ku dhigay laba gaari oo midkood uu ku xiranyahay waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo lala damacsanaa in lagu Qarxiyo mid ka mida Goobaha ay dadka shacabka ah isugu yimaadaan.

Sargaal ka tirsan ciidanka Nabad sugidda ayaa sheegay inay in mid ka mid ah lagu Qarxiyo maqaayad ku taala meel ka mid ah Muqdisho, halka midka kalena ay saarnaayeen maleeshiyaad doonayay inay weerar geestaan markii uu Qaraxa dhaco kadib.

Ciidanka miino baarista oo ku guda jira inay qaraxa ka furaan gaariga ayaa intii ay ku howlanaayeen howsha uu si iskiis ah u qarxay, iyadoo ay dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen qaar ka mid ah ciidankii howsha ku guda jiray iyo dadkale oo goobta ka agdhawaa.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabadsugida ayaa sheegay in labadan gaari ay ka war heleen xogtooda.

Qaraxa ayaa waxa uu khasaaro ka soo gaaray Ciidamo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo dad shacab ah oo ka ag dhawaa goobta uu gaariga ku qarxay.

qarax-gaari-620x264[1]qarax-gaari-620x264[1]

Cali Kam

Cali Kam1

Cali kam2

Cali Kam3

qarax-gaari-620x264[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS