25/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Qaar ka tirsan ciidamada Amisom oo Muqdisho lagu gudoonsiiyay bilado: SAWIRO

Munaasabad ka dhacday Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa shahaadooyin iyo bilado waxaa lagu gudoonsiiyay qaar kamid ah Ciidamada ku howlagala magaca Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Waxaa kasoo qeyb galay Munaasabadan wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating, iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Lydia Wanyot, waxa ayna wakiiladan amaaneen howsha ay hayaan Ciidamada ka howlagala Muqdisho.

Ciidamada Qaramada Midoobay magacooda ku howlagala ee jooga magaalada Muqdisho ayaa kasoo jeeda dalka Uganda, waxa ayna ciidamadan ilaaliyaan Xafiisyada xarunta Qaramada Midoobay ee ku leedahay Magaalada Muqdisho

xale_1xale_2xale_3xale_4xale_7

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS