November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ciidamada Jaad oo laba boqol ka dilay dhiigmiiratada Boko Xaraam dibna u xoreeyay magaalo Woqooyiga Nayjeeriya

Baga–Ciidamada sida fiican u tababaran ee dalkaasi Jaad ayaa sheegay in ay laba boqol oo dhiigmiiratada Boko Xaraam ah ku dileen dagaal aan waxba layskula hadhin oo ka dhacay Woqooyiga Nayjeeriya. Wadamada jaarka la ah Nayjeeriya sida Jaad ayaa go,aan ku gaaray in la tirtiro argagixisada Boko Xaraam.

Boko Xaraam ayaa bil kahor masaajid buuxa isku qarxiyay halkaas oo ay ku dhinteen ilaa laba boqol oo qof dhaawacuna xad dhaaf ahaa. Xagjirkan Boko Xaraam ee fuleynimo wajiga duubtey ayaa afduubtey ilaa 200 oo gabdhood kadibna sheegay in ay xoog ku guursadeen.

Boko Xaraam ayaa ka adkaaday ciidamada Nayjeeriya oo markasta oo ay is arkaan ciidamada Nayjeeriya goobta cararaan sidaana Boko Xaraam ku qabsatay magaalooyin badan oo ku yaala Woqooyiga Nayjeeriya oo dhamaantood ah magaalooyin muslimiintu degan tahay..

Weerarkan ciidamada Jaad ku qaadeen argagixisada Boko Xaraam ayaa ah kii ugu adkaa oo argagixisada hilfaha loo qaado.

_80779061_80779060[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS