Siiriyaan magangelyo Jarmalka u doontey ayaa dagaal ku bilaabay. Wararkii u dambeeyay ee ka soo baxaya gobolka Bavariya ee Jarmalka ayaa sheegaya in nin loo diidey in uu galo baar lagu caweeyo kadibna isku qarxiyay goobta.
Ninkan ayaa ahaa nin magangelyo doona oo loo diidey sharcigii ama laga diidey dacwadii uu gudbistey. Ninkan ayaa isku xirey walxaha qarxa wuxuuna isku qarxiyay afaafka hore ee baarkan laga caweeyo.
Nasiib wanaag kaligii ayaa dhintey waxase jira 12 qof oo iyaguna dhaawacmey. Baarkan ayaa waxa 2800 waxana la bilaabey in laga daadgureeyo. Jarmalka ayaa soo dhaweeyay qoxooti badan oo Siiriyaan iyadoo kumaan kalana ay ku cadilan yihiin Giriiga halka kuwii gaaray Jarmalkana ay sidan u galayaan dadkii martigeliyay.
Siyaasiyiinta Jarmalka ayaa ka digey in dalka argagixisadu ku soo badato.



Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![_90504412_cf1ccd86-e597-4928-bfef-5eb72b2d1d70[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/90504412_cf1ccd86-e597-4928-bfef-5eb72b2d1d701-300x169.jpg)
![_90503013_034211459[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/90503013_0342114591-300x169.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay