Ciidamada Siiriya ayaa dhirbaaxo kulul ku dhiftey argagixiso ku dhuumanaysa guryaha dadkii ay qixiyeen magaalada ay burburtiyeen ee Xaleebo ee galbeedka Siiriya. Ciidamada Siiriya ayaa ku dhow in ay magaalada ka xoreeyaan argagixisada.
Argagixisada Nusra iyo kuwa Sucuudigu taageero ayaa barakiciyay kumanaan reer Siiriya markii ay soo galeen magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi iyagoo taageero ka helaya Maraykanka, Sucuudiga iyo Turkiga.
Argagixisada ayaa isku dayay in ay go’doon ka baxaan iyagoo ku dhumanaya guryo dadkii lahaa ay ka qixiyeen waxase ka qabsaday jab aad u xoogan.
Sawirka hoose waa argagixiso ka dagaalamaya guri dadkii lahaa ay qixiyeen
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![_90706779_353df848-5192-4e6d-924e-9186df4e0fe9[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/08/90706779_353df848-5192-4e6d-924e-9186df4e0fe91-300x169.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay