05/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Golaha Hirshabeelle oo doortey gudoomiye ku meel gaadha

Xildhibaanada golaha maamulka Hirshabeele oo maanta yeeshay kulankoodii ugu horeyay ayaa u doortay guddoomiye ku meel gaar ah Maxamed Siyaad Barqadle oo ka mid ah xubnaha golaha.

Doorashada guddoomiyaha ayaa ku timid kadib markii uu diiday inuu shir guddoomiyo baarlamaanka qofka ugu da’da weyn oo dhashay 1948 laguna magacaabo Cabdi Xuseen Geedi kaasoo sheegay in uu u sharaxan yahay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka,

Sidaa awgeed ayaa loo doortay in uu shir guddoomiye Maxamed Siyaad Barqadle oo dhashay 1949kii. Baarlamaanka HIrshabeele ayaa lagu wadaa in uu doorto shir guddoonka 12ka bishan 15ka bishana la doorto madaxweynaha maamulka Hirshabeele.

73 xiildhiban oo ka mid ah 89 xildhibaan oo baarlamaanka Hirshabele ka kooban yahay ayaa la dhaariyay xalay waxaana dhaarinta goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha dowlada federalka Cabdraxman Xuseen Odowaa.

SAWIRKA[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS