05/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Puntland oo soo bandhigtey askar ay sheegtay in ay ka mid yihiin kuwa dawlada oo dagaal lagu qabtey: SAWIRO

Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland waxaa lagu soo bandhigay 3 askari oo Puntland sida ay sheegtay kamid ah Ciidanka Dowlada laguna qabtay Dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirka wasaarada deegaanka Puntland Mudane Cali C/laahi Warsame oo galabta shirjaa,id ku qabtay gadaha magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo inay qayb ka tahay dawlada Federalka Soomaaliya kuwaas oo ay sheegeen inay ciidamo keentay si ay u khal khal galiyaan doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan gudaha deegaanada Puntland sida uu sheegay Cali Cabdulaahi Warsame.

Puntland ayaa sheegtay in askarta ay soo bandhigtay laga kala keenay Cabudwaaq iyo Godinlabe qorshohooduna ahaa sidii ay uga qeyb gali lahaayeen dagaalka Galmudug kala hor jeedo Maamulka Puntland

Puntland ma aysan sheegin sida ay ka yeeleyso askartan ay sheegtay iney kusoo qabatay Dagaalkii Gaalkacyo ee Bilowday Jimcihii ina dhaafay.

Askr4[1] Askr5[1]

askr6

askr5

askr4

askr3

askr2

askr1

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS