06/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Waa Hambalyo Ku Socota Shirkii Xisbiga Wadani & Madaxdii Lagu Doortay: By Caasha Jaamac

Waa Hambalyo Ku Socota Shirkii Xisbiga Wadani & Madaxdii Lagu Doortay.

Waxaan Hambalyeynaynaa Halyeeyada Wadani oo Hormuud Cirana u Yahay, Way Hodaale Wacan Yihiin.

Waxaan Hambalyeynaynaa, Shirkoodii oo Hagaagay, oo Hufnaan & Himilo Wacana Yeeshay,Heer Wacana Gaadhay.

Waxaan Hambalyeynaynaa, Ilaahaybaa Hagaajo Wadani Waakaa Horseedey, Dimuquraadiyada & Doorasho Hagaagsan.

Waxaan Hambalyeynaynaa, Wadani oo horseeday, Doorasho Wanaagsan, oon Cidna Lagu Dulmiyeyn, oon La Daafadeynin.

Waxaan Hambalyeynaynaa Guushii wadani ee Guuluhu u Hiishay, Kulmiyoo Ku Soo Duulayna Doqoniimo Ka Raacday.

waxaan Hambalyeynaa Wadani Waagaa u Beryey, & Kulmiyoo Gabalkii uu Sii Dumay oo Ciil, Cay & Cabaad uu naf mooday.

Waxaan Habalyeynaa Halyeeyada & Hablahaa Wadaniyee, Ilaahay Hagaajee, Hibadana Saaree Higsigoodu Wacan Yahay.

Waxaan Hambalyeynayaa, Wadaniyoo Hormuudkii Qarankiyo & Horseedkii Xisbiyada Noqdoo Ka Hilaacay Arligii S/Landba.

Waxaan Hambalyeynayaa, Halyeeyada Wadani & Hablahaa & Hooyooyinkaa ee Horseeday Nabada & Naruuradaa Wacan.

Hablayo Wadani, Guul & Gobanimo Wadani, Doorasho & Dimuquraadiyad Wanaagsan, Wadani Guul, Hambalyo & Bogaadin.

Wabilaahi Tawfiiq.