22/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

C/raxmaan Saylici oo dhaawac soo gaadhay iyo Siilaanyo oo booqdey

Wararka laga helayo Hargeysa ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu dhaawac soo gaadhay isla markaana Siilaanyo iyo murashaxa xisbiga Kulmiye ku booqdeen gurigiisa.

Saylici ayaa waxa uu dhaawaca ka soo gaadhay lugta gaar ahaan jilibka kaasi oo loo badinaayo in uu yahay dhaawac culus.

Lama garanayo sida dhaawacu ku soo gaadhay waxase wararku sheegayaan in socodku ku adagyahay. Saylici ayaa lix sanno fadhiyay kursiga ku xigeenka waxna uma tarin dadkii isaga doortey, hadana wuxuu ka rajaynayaa in ay dib u doortaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa dhawaciisan jabniinka loo badinayaa in  uu yimid ka dib markii shalay galab uu ku siibtey marmarka aqalkiisa.

Muuqaalka hoose ayaa muujinaya dhaawaca Saylici

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS