November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Deg deg: madaxweynaha Romaniya oo diidey rasiial wasaare Muslim ah oo la magacaabay

Madaxweynaha Romaniya oo diidey haweenay noqon lahayd raiisal wasaare oo ay soo magacaabeen xisbiga ku guulaystey aqlabiyada dalkaasi doorashooyinkii dhacay.

Waa markii u horeeyay oo madaxweyne diido dookha xisbiga ku guulaysta doorashada. Hogaamiyaha xisbiga ku guulaystey doorahada ayaa isaga la diidey maadaama uu galay dambiyo badan qaarna maxkamad u yaalaan.

Madaxweynaha Romaniya ayaa kadib u sheegay xisbiga in ay keensadaan qof aan dambi ka gelin dalka, waana sababta uu xisbigu u magacaabay haweenayda Muslimka ah.

Diidmada madaxweynaha ayaa ka xanaajisay xisbiga isagoo aan sheegin wax sabab ah oo uu ku diidayo.

Afhayeen u hadlay xisbiga ku guulaystey doorashada ayaa sheegay in hadda wadaan sidii madaxweynaha looga xayuubin lahaa xukunka. Wararka qaar ayaa sheegay in uu ku diidey ninkeeda oo ah Siiriyaana.

Madaxweynaha ayaa bilaabay xiisad dastuuri ah oo dalku aanu u baahneyn, iyadoo cunsuriyadna u dheertahay. Haweenayda Ms Shhaideh ayaa ah Muslimiinta Turkida ah.

Waxa dhinaca aan la garanayn in Trump wax ku leeyahay diidmada.

Sawirka hoose waa Ms Shhaideh iyo hogaamiyaha xisbiga PSD

_93148567_aca0c925-2b49-4821-aeb9-97fac8767b56[1]

Maaha markii ugu horeysay ee xukunka laga xayuubiyo madaxweyne Romaniya. Xisbiga ayaa sheegay in ay darsi doonaan inta ayna ku dhawaaqin xukun ka xayuubin.

Ms Shhaideh ayaa noqon lahayd haweenaydii ugu horeysay ee madax ka noqota dal Kristana.

Sawirka hore waa Ms Shhaideh

_93146469_mediaitem93146468[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS