Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo lacago loo haysto

Musharixi fadhiidka noqday ee xisbiga UCID laga caydhiyay, Jamaal Cali Xuseen ayaa waxaa loo heystaa lacago kala duwan oo uu sitoosa iyo sitoganba, uga dhacay bulshada Somaliland qaybahooda kala duwan.

Lacagahani ayaa isugu jira qaar uu dhaafsaday, hankiisi liitay ee siyaasadeed iyo kuwo uu ka amaahday, dad danyara oo ismoodsiiyay, in uu yahay Jamaal masuul lagu aamini karo lacag maalin dagaal oo uu muruq maal miskiinihii leeyahay.

Dhiiladan iyo fadeexadan ku soo iba baxaysa aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa waxaa daaha ay ka feydaysaa dhinaca kale inuu khiyaameeyay,dadkii ku xeerna ee uu majaraha madaw ee siyaasada mayalkeeda u hayay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin sida xogo hoose warbaahinta u xaqiijisay garabkii ka go,ay markii uu ku biirayay xisbiga KULMIYE,oo uu magacooda ku qaatay lacag cadadkeedu gaadhayo boqolaal kun oo dollarka Mareykanka ah.

Dadka falanqeeya siyaasada Jamaal Cali Xuseen ayaa lagu tilmaamaa  inuu yahay ma- gudbe, maalinba doc nin kale jooga, ama sida geedka Gabal -dayaha  maalinba meeshi cadceedu ka marto ujeesanaya.

Mar aanu wax ka weydiiney inay jirto lacagtani uu musuq maasuqey masuulkan jagada madaxweyne u sharaxnaa garabkii isbedel doonka ee ku biirey KULMIYE ayaa waxaa ay noo xaqiijiyeen in uu Jamaal waa sida ay hadalka u dhigeene dhaafsaday xilkoodi iyo himiladoodii qadaadiic iyo shilimaan ku danbeysay musuq maasuq iyo inuu hungureeyo lacago uu magacooda iyo taageeradooda ku soo qaday.

Todobaadadii u danbeysay ayaa waxaa aad looga hadal hayay, goobaha ay bulshadu ku kulanto ee magaalada Hargeysa.

Hanka Jamaal Cali Xuseen, lacagta uu lunsaday, iyo sida uu ugu saaqiday siyaasada Somaliland, taasi oo gayeysiisay inuu maalqabeen shalay uu caayay maanta gacmaha hoos hoorsado.

Xigasho

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...