November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gabdhihii kubadda koleyga ee Banaadir oo casho sharaf loo sameeyay: SAWIRO

Gabdhihii kubada koleyga ee guusha weyn ka soo hooyay ayaa helay casho sharaf habeenkii xalay ahaa oo ka dhacday gobolka Banaadir. Cashadan ayaa si weyn loo soo agaasimey.



Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xuseen Yuusf Jimcaale Madaale ayaa Xalay u sameya Casha Sharaf Gabdhaha Xulka Kubadda Koleyga ee Gobolka Banaadir.

Gabdhahaasi oo Dhawan ku soo Guuleeystay Koobkii Habdhaha Kubadda Koleyga ee Maamul Goboleedyada Dalka oo lagu qabtay Magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal, taasoo lagu qabtay Xaruunta Aqalka Dowlada Hoose ee Muqdisho.



Guddomiyaha ayaa Gabdhahaasi u hambalyeey, guushii ay ka soo hooyeen Tartankii Gabdhaha Kubadda Koleyga ee Maamul-goboleedyada Dalka Soomaaliya, waxa uuna ku booriyay inay dadaalkooda sii wadaan, si loo horumariyo Ciyaaraha Dalka.

Xaflaaddaasi casho sharafta ahayed waxaa ka soo qaybgalaya Xildhibaano, Madax ka tirsan Gobolka Banaadir iyo Marti sharaf kale.


1 2 3 4 5

7 8 9 10

 



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS