November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Jabaan oo shaqaalihii dadka ahaa ka maarmay iyo sababta

Dalkaasi Jabaan ayaa shaqaalihii dadka ahaa ka maarmey xilli hore loo saadaaliyay in wadamada qaar ay dhici karto sidani. Dalkaasi Jabaan ayaa dhalmadu ku yartahay waxana kordhey dadka waaweyn.



Waxa dhalmo yaridu haysataa wadamada Yurub waxana batey dadka waaweyn oo u baahan xanaano gaara. Waxa sii kordhaya guryaha loo dhisayo ee lagu xanaaneeyo dadka waaweyn.

Hadaba dalkaasi Jabaan oo ka mida wadamada xaga tiknoojiyada ku hormaray ayaa shirkadaha qaar ka maarmeen dadka u shaqeeya, waxayna bedelkooda keensadeen qolfoof elektarooni ah oo hawsha qabta.



Shirkad lagu magacaabo Fukoku oo ka shaqaysa caymisyada dalkaasi ayaa shaqada ka caydhisay ilaa 15 qof oo dhinaca xisaabaadka u qaabilsanaa, waxana bedelaya qolfoof elektarooni ah oo u fikiraya sida dadka.



Waa markii ugu horeysay ee qolfoof lagu bedelo qof nool oo bani aadama oo iyagu sameeyay qolfoofka. Shirkado kale ayaa iyaguna raba in ay isticmaalaan nidaamkan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS