Argagixiso ka tirsan shabaab ayaa maxkamad ku talal Puntland gaar ahaan Boosaaso ayxukuno dil ah ku riday 7 nin oo lagu soo helay in ay gaysteen dilal qorsheysan.
Dhalinyarada la xukumay ayaa mas’uuliyiin iyo dad rayid lagu eedeeyay inay ku dileen Magaalada Boosaso, waxayna Maxkamadda ka hor sheegeen inaysan wax lug ah ku leeyihiin dilkaasi iyo eedeynta loo jeediyay iyagoo sheegay in lagu jirdilay xabsiga.
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ayaa ku dooday inay eedeysanayaasha isku markhaati fureen oo qaarkood walaalo yihiin kuwa kalana ay sheegen inay ka tirsan yihin argagixisada shabaab, wuxuuna ku riday xukun toogasho ah.
Argagixisada xukunka lagu riday waxay kala yihiin:
1-Nuuradiin Axmed samatar Deerow (20 sano jir)
2-Ayuub yaasin cabdi (32 sano jir )
3-Cali Ismaaciil cali (Cali gaab) (20 sano jir )
4-Xasan Aadan Xasan Maxamed (22 sano jir )
5-Cabdixakiin Maxamed Aways (24 sano jir )
6-Maxamed Yaasin Cabdi Maxamuud (17 sano jir )
7-Daa’uud Siciid Sahal (18 sano jir )
Qareeno u dooday dhalinyaradan ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo hor keenay Maxkamadda, waxayna codsadeen xukun cadaalad ah.



C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay