31/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Farmaajo oo iclaamiyay maalinta Alle bariga oo ku beegan Salaasada soo socota

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in maalinta salaadada ah la qaban doono munaasabad roob doon ah oo Alle bari ah.

Ku dhawaaqida madaxweynaha ayaa ka dambeysay kadib markii gudiga abaaraha iyo culimada ay horey ugu dhawaaqeen sadex maalin oo aheyd soon , waxaana sadexda maalinta xigtay sida ay culimada sheegeen isku soo bax roob doon oo hal maalin ah .

Maalinta Salaasada ayaa waxa isu soo baxan roobdoonka ah waxa lagu qaban doonaa magaalooyinka Soomaaliyeed si Ilaahay loo baryo.

Ku dhawaad labo Milyan oo qof ayay saameyn ku yeelatay abaarta dalka ka jira, dawlada Soomaaliya ayaana si qaran u wajahaysa sidii gargaar loogu fidin lahaa dadka dhibaateysan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS