02/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Saldhig milatari oo Turkigu dhisay oo dhamaad ku dhow: SAWIRO

Saldhig milatari oo Turkigu dhisay uguna weyn Afrika oo dhan uuna ka walaacsan yahay Maraykanku ayaa ku dhow gebogabo. Saldhigan milatari oayaa ku yaala Muqdisho.

Saldhigan ayay ku baxdey lacag gaaraysa $50 doolarka Maraykanka walina waa socda. Turkiga ayaa sheegay in askarta Somalida lagu tababari doono iyo kuwa ka jooga Afrika Somaliya.

Wasiirka waxaa warbixin siiyay oo xarunta ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan Milateriga Turkiga oo gacanta ku haya xaruntan oo dacalka ku heyso Badweynta Somalida.



Saldhiga ayaa ku dhow dekedda Muqdisho iyo garoonka magaalada.

 

Dhismaha saldhiga ayaa bilowday March 2015, waxaana la sheegay in la dhameystiri doono Janaayo 2017, balse waqti yar dib u dhacay, waxaana si rasmi ah loo furi doonaa dhowaan. Maareeyaha Shirka dhiseysa saldhiga milateriga Turkiga ee Soomaaliya Istanbul Mogadishu General Construction Company ninka lagu magacaabo Ebubekir Şahin ayaa wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay dhismaha saldhiga ay ku baxday lacag dhan 50 Milyan oo doolar.

Dhismaha saldhiga ayaa ka kooban xarumo tababar, saddex Dugsi oo milatari, Goobo la seexdo iyo Bakhaaro, wuxuuna ku fadhiyaa saldhigga dhul shan 400 hektar oo markiiba lagu tababari karo 500 askari.

Saldhigga milateriga ee Turkiga ka furtay Soomaaliya ayaa la sheegay in ciidamo kale oo afrikaan ah lagu tababari doono. Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh Soomaaliya, isagoo taageero kala duwan siiya Soomaalida.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS