Monday, April 29th, 2024
header










Meta







Shicibku wuxuu ogaa 35% Somaliland, 65% DP World goormaa Itoobiya la siiyey19% by Abdi Mustafe

Maanta War xukuumada ka soo baxay oo BBC da laga sheegay wuxuu wasiirka wasaarada ganacsiga sheegay in Ethiopia na la siiyey 19%. Waa xaaja uguba oo bulshada ka wareerisay. Ethiopia iyadoon cidiba wax u diidanayn oo ay degenyiin dad ku dhow boqol million oo lala baayaca mush tarayn karaa, hadana markii hore laguma darin shicibkana looma sheegin. Taasi waxay cadaynaysaa in xukuumadan hulaabta xun lihi aanay banaanka u soo saarin saami qeybsiga saxa ah ee Dekeda Berbera oo inta la ogyay qoyska Silaanyo na ku leeyey 8%. Waxa taaba ka sii daran DP World lacagtii ay ku balan qaaday inay dkeda ku balaadhisaa waxay isu bedeshay in ay horta labada samadood ee hore dekeda maamushu wixii dhaqaale ka soo baxana gacanta ku dhigtu. DP World diyaar uuma aha sida muuqata inay lacag iska geliso Dekeda ee waxay wadaan inay ku macmalaan wixii ka soo baxa. Ta sadexaad ee waxaan oo dhan ba ka sii foosha xumi waxa weeye Deked aan hore loo ogayn oo laga ag dhisayo madaarka Berbera oo loogu tala galay inay ciidamada carabtu wax kala soo degaan ayaa rag ajanebi ihi dhismaheedii bilaabeen.Fool xumada iyo Khasaa-raha iyo hagar daamada ay Amina Weris iyo Morgan Saaxil ka wadaan maaha mid sahlan ee waa mid goor ay noqotaba laga jari doono.Dadka kale waa shaqaale iyo guulwada yaal sida Maxamoud Xaashi iyo Cali mareexaan oo wax qaraara kuma laha amuurahan is dhaafaya. Silaanyo na hadal kiisaba daa oo tiisii baaba cusleysay. Labada qof ee Somaliland eeday waa marwada iyo Morgan. Hase yeeshee Morgan waxa reer Somaliland kaga ciil baxeen magac aan weligii ka hadhayn oo ah mid tilmaamaya fool xumo ayay ku dhejiyeen. Amina Weris na dalka iyo dadka uun bay ciil iyo cadho ka kacday waagii xisbiga Kulmiye guuldaraystay bay kula dhacday ee cimri sidaasa oo u hadhay ma jiro waxan ay boobaysana waqti ay ku istic maashaa uuma laabna oo dadka dib looma abuuro. Hadal hayn waxay u leeday Amina Weris Somalidu waa sida soodhaha oo sadex cisho uun bay qayliyaan ee boobka inoo wada. Waxay se ilaabaysaa in xisaabtii ilaahay hadhsantay oo dadkaa ay sidaa ku leeday ilaahay tusi karo iyadoo xaalad adag ku jirta.Nin agoon qalin ku xaday qaaxo kama fogaado.
Abmustafe123@gmail.com

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...