Cadale–Ciidanka xooga dalka Somaliya ayaa markii ugu horeysay ku dhaqaaqay talaabo aan hore looga baran iyagoo dagaal ku qaaday argagixisada shabaab ee deegaanka Masaajid Cali Guduud o ka tirsan Shabelaha dhexe kana furtey hub iyo agabyo kale. Argagixisada shabaab ayaa firxad kala cararay afkiina duubnaa iska furay.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ay Ciidamadu ku qaadeen deegaankaas oo Al-Shabaab saldhig u aheyd.
Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegaya in deegaanka ay lacago kaga qaadi jireen gaadiidka Al-Shabaab, isla markaana uu ahaa fariisinka kaliya ee canshuuro gaadiidka mara halkaas looga qaado.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay