Sunday, March 16th, 2025
header










Meta







Wasaarada arimaha dibedda Somaliya oo warbixin ka soo saartey la dagaalanka tahriibka

Muqdisho–Wasaarada arimaha dibeda Somaliya ayaa warbixin ka soo saartey tahriibka dishatay dhalaanka ka qayb qaadan lahaa dib u dhiska dalka. Wasarada oo uu hogaamiyo Dr C/salaam Hadliye ayaa warbixin dheer ku sheegtay in ay kala shaqayn doonto wadamada jaarka ah iyo kuwa kalaba sidii loo joojin lahaa tahriibka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , waxa ay u aragtaa tahriibka mid dhabarka ka jabinaya jiilkii cusbaa ee dalku u baahnaa inay kaga qeyb qaataan dib u dhiskiisa iyo horumarkiisa .

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay kala kaashan doontaa Dowlado iyo hey’ado sidii loo dejin lahaa qorshe lagu xakameynayo socdaalka sharci darada ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay naftooda ugu biimeeyaan Wadamada Angola,South Africa, Yemen , Saudi Arabia , Sudan , Libya iyo Italy , iyagoo ka tallaabaya dhul saxaro ah oo halis badan, badweynta India , Badda Cas iyo badda MediterraneanĂ‚ oo doomaha cinjirka ah ee ay ku socdaalaan ay inta badan kula degto.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, waxa ay ugu baaqeysaa waalidiinta Soomaaliyeeda inay kaalin muuqata ka qaataan wacyigelinta caruurtooda , kuna baraarujiyaan qatarta tahriibku leeyahay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , waxa ay muujin doontaa dadaalo dheeraad ah iyadoo la kaashaneysa qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladaha saaxiibka ah iyo Ururo caalami ah si loo hakiyo gebi ahaan dhaq dhaqaaqa dadka wax tahriibiya , loona suura-geliyo in la horkeeno cadaaladda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa

December, 30, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr C/samad Nageeye ayaa fariin u ...

Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay

December, 15, 2024
Madaxweynah Awdalstate Dr C/samad Nageeye ayaa afka furtay ...

Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay

December, 14, 2024
Waxaad aad uga naxaysaa ninka is dhiibay ee ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa oo ninkeedu ka maqnaa

August, 16, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

August, 16, 2024
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...