November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Maxkamad ku taal Maraykanka oo diiday racfaan uu qaatay jeneraal Maxamed Cali Samatar oo SNM dacwaysay

images[5]Washington–Maxkamada sare ee dalkaasi Maraykanka ayaa diiday racfaan uu qaatay jeneral Maxamed Cali Samatar oo ahaa madaxweyne ku xigeen ahna wasiirkii difaaca ee dawladii Somalia intii ay burburin reer Galbeedka oo taagero siiyay kooxihii qabiliga ahaa ee ay ka mid ahayd SNM.

Maxkamada sare ee Maraykanka ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku hayso siyaasada gudaha ee Somaliya iyadoo dacwad ka dhegeysatay kooxihii qabiilka ku dhisnaa ee ay ugu weynayd SNM oo taageero ka helaysay reer Galbeedka iyo wadamada jaarka.

SNM ayaa dooratay jeneraal Samatar waayo qabiilka uu ka soo jeedo oo ay u arkaan in ay yihiin dad aan ciidan lahayn.

Maxkamada ayaa hore u sheegtay in Samatar bixiyo 21 milyan oo doolar uuna siiyo SNM-ta soo dacweysay taas oo dad badan la yaabeen.

Wali wax jawaaba kama soo bixin qoyska Cali Samatar oo gabadhiisu tahay wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS