Friday, June 9th, 2023
header










Meta







Dagaalyahaniinta Ahlu sunna oo sheegay in heshiiska ku jirin in ay ciidankoodu ka baxaan Guriceel

Ciidanka-Ahlusuna-280x175[1]Guriceel–Dagaalyahaniinta Ahlusunna ee argagixisada shabaab u diiday in ay lug soo galiyaan gobolada dhexe ayaa sheegay in heshiiska ay la galeen dawlada aanay ku jirin in ay ciidankooda ka saaraan Guriceel.

“Waxa weeye qodobada shanta ahaa ee lagu heshiiyay wuxuu dhigayay in ciidanka soo dulay laga saaro oo dib loogu celiyo meelihii ay ka yimaadeen sida Dhuusa Mareeb, in dadkii ka barakacay la soo celiyo, kuma jirin ciidanka Ahlusuna haka baxeen, ayaga horay u joogi jiray Guriceel iyo meelaha kale, waxaasna caqli saliim ma ahan”ayuu yiri Gudoomiye kuxigeenka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in iyaga mar walba ay diyaar u yihiin inay dhaqan geliyaan heshiiska, hase ahaatee mar kasta dowladda ay gadaal ka bur buri jireen shirka sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa duleedka Guriceel, ayaa laga saaray, waxaana lagu bedelay Ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan ciidamada Itoobiya oo maalmo ka hor la geeyay, si ay labada dhinac u kala dhex galaan.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga ayaa wali ku sugan Guriceel, kuwaasoo dhameystiraya qodobadii lagu heshiiyay, waxaana la filayaa in maalmo kadib wada hadal la isugu yimaado, si heshiis rasmi ah loo wada gaaro.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

June, 6, 2023
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Maxaa keenay in doorashada Turkiga xilligan uu adduunku isha ku hayo?

May, 13, 2023
Turkigu kama mid ahayn wadamada xilliyada doorashada isha ...

Samaroon karti xumaa haysa waana ta halkaa dhigtey: Cali Faarax C/llaahi

May, 5, 2023
Waa u jeedaan in Harti goonideeda u baxday ...

Koofur Afrika oo arin geesinimo ah ku kacday

April, 25, 2023
Koofur Afrika ayaa arin geesinimo ah ku kacday ...

Dhalinta Samaroon waa kaftami karaan kuwa Samaroonse maya

April, 25, 2023
Siyaasiga Cali Faarax Cabdullaahi ayaa hadal toosid ah ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...