Ciidanka Ciraaq ayaa argagixisada ka sifeeyay Moosul iyo dabaaldeg socda. Bishii Octoobar ayay ahayd markii argagixisadu dabada ka gashay guryaha dadkii lahaa ay ka qixisay magaalada xadaarada weynayd ee Moosul.
Ciidanka Ciraaq oo xoogweyn ayaa jilbaha u laabtey ayagoo taageero dhinaca cirka ah ka helaya diyaadaha Maraykanka. Argagixisada ayaa guri kasta dabada gelisay waxayna ku qasabtey ciidankla Ciraaq in ay guri kasta ku dumiyaan.
Moosul ayaa hadda u baahan dib u dhis weyn sida magaalooyinka waaweyn ee Suniyiinta Ciraaq ee argagixisadu guryahoodii iyo saliidoodiiba ay burburisay. RW Ciraaq Abadi ayaa isla markiiba gaaray Moosul.
Guushan ciidanka Ciraaq ay gaareen ayaa dhirbaaxo xoogleh ku ah argagixisada inkastoo hadda wejigii furteen xirteena dharki dumarka kana baxsadeen Moosul ayagoo aadaya magaalooyinki ay hore u burburiyeen isqarxina ka bilaabaya halkaas.
Rashiid Ceelaanyo
ARAAVBINEWS





Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay