14/04/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

A member of Iraqi Federal Police waves an Iraqi flag as they celebrate victory of military operations against the Islamic State militants in West Mosul, Iraq July 2, 2017. REUTERS/Erik De Castro

Deg deg: Ciidanka Ciraaq oo argagixisada ka sifeeyay Moosul iyo dabaaldeg socda: SAWIRO

Ciidanka Ciraaq ayaa argagixisada ka sifeeyay Moosul iyo dabaaldeg socda. Bishii Octoobar ayay ahayd markii argagixisadu dabada ka gashay guryaha dadkii lahaa ay ka qixisay magaalada xadaarada weynayd ee Moosul.

Ciidanka Ciraaq oo xoogweyn ayaa jilbaha u laabtey ayagoo taageero dhinaca cirka ah ka helaya diyaadaha Maraykanka. Argagixisada ayaa guri kasta dabada gelisay waxayna ku qasabtey ciidankla Ciraaq in ay guri kasta ku dumiyaan.



Moosul ayaa hadda u baahan dib u dhis weyn sida magaalooyinka waaweyn ee Suniyiinta Ciraaq ee argagixisadu guryahoodii iyo saliidoodiiba ay burburisay. RW Ciraaq Abadi ayaa isla markiiba gaaray Moosul.



Guushan ciidanka Ciraaq ay gaareen ayaa dhirbaaxo xoogleh ku ah argagixisada inkastoo hadda wejigii furteen xirteena dharki dumarka kana baxsadeen Moosul ayagoo aadaya magaalooyinki ay hore u burburiyeen isqarxina ka bilaabaya halkaas.



Rashiid Ceelaanyo

ARAAVBINEWS