Soomaliya iyo Jabuuti ayaa ciyaar ku dhexmari doontaa Muqdisho. Kulan ay yeesheen wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dawlada Somaliya Khadiija Maxamed Diiriye iyo safiirka Jabuuti ayaa lagu falanqeeyay arintan.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirk ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Wasaaradda, Cayaartoydii hore ee dalka iyo xubno kale.
Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay Danjire Aadan ka dalbatay in xulka kubada cagta Jabuuti ay yimaadaan Soomaaliya si kulan saaxiibtanimo ay ula yeeshaan xulka kubada cagta Soomaaliya.
Waxay sheegtay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha in ay balan qaadeyso amniga guud iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin inta xulka Jabuuti ay ku sugan yihiin Soomaaliya.
Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya ayaa sheegay wixii hada ka dambeeyo in ay bilaabayaan qaban qaabada ku aadan sidii xulka kubada cagta Jabuuti ay u imaan lahaayeen Muqdisho, si kulan saaxiibtanimo ay ula yeeshaan xulka Soomaaliya.
Indhaha caalamka ayay soo jiidatey cayaar kama dambeys aheyd oo 30 sano kadib habeenimo lagu cayaaray Muqdisho taasi oo ay wada yeesheen degmooyinka Waaberi iyo Hodan ee gobolka Banaadir.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay