November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Madaxweynihii xukunka laga tuurey ee Yaman oo dalbaday in carabta kale u soo gurmadaan iyo Sucuudiga oo aqbalay

Cadan–Madaxweynihii Yaman Xaddi ee u baxsaday Cadan ayaa dalbaday in carabta khaliijku u soo gurmadaan xilli dagaalyahaniinta Xuutiyiintu qabsadeen caasimada sadexaad ee dalkaasi ee Ticis. Sucuudiga oo Iiraan eedaynaya ayaa sheegay in uu u diyaaryahay in uu soo farageliyo Yaman dagaal aan la garanayn halka uu ku dhamaan doono.

Sucuudiga ayaa faraha kaga guban hadduu soo farageliyo Yaman iyo Xuutiyiinta isagoo isku halaynaya in uu tageero ka helo wadamada reer galbeedka.

Wasiirka arimaha dibedda oo London jooga ayaa jeediyay hanjabaada ah in ay galayaan Yaman. Xuutiyiinta ayaa tirtiray argagixisada uu taageero Sucuudigu waxayna taageero badan ka haystaan shacabka reer Yaman intooda badan.

Waxay ku rajoqabaan in ay qabsadaan Cadan dhawaan hadii ay ku socdaan xawliga ay hadda ku socdaan. Dagaal ay soo qaado Carabta Khaliijka ayaan ahayn mid ay guul ka keeni karaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS