November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dagaalyahaniinta Xuutiga Yaman oo qabsaday xerada ciidanka cirka ugu weyn dalka ee Al-Canad iyo Cadan oo ay….

Cadan–Dagaalyahaniinta Xuutiga iyo ciidanka taabacsan hogaamiyihii hore ee Yaman Cali Cabdullah Saalax ayaa qabsaday xerada ugu weyn ciidanka cirka Yaman ee Al-Canad oo u dhow Cadan. Dagaalyahaniinta ayaa u jira Cadan 40km oo kaliya iyadoo la sheegayo in madaxweynihii la afgambiyay ee Xaddi uu baxsad yahay hadda.

Al-Canad ayaa ahayd goob ay deganaayeen ciidan Maraykan ah oo si khaasa ula dagaalami jiray argagixisada caalamiga ee wadamada fiqiirka ah xero ka dhigata..waxayna ka baxeen usbuucii hore.

Qabsahshada xeradan ayaa wiiqdey ciidanka aan hubka haysan ee Xaddi ee reer Koofureedka oo u eg inuu ka baxsado magaalada una dhoofo Sucuudiga ama Cumaan.

Sucuudiga ayaa ku hanjabay in uu soo faragelinayo waxase la ogyahay in aanu haysan awood uu kula dagaalamo rag ruug cadaaya oo dagaalka yaqaan.

Maraykanka ayaa daawanaya xaalada isagoo rajaynaya in Xuutiga iyo madaxweynihii hore qabsadaan dalka soona celiyaan kala dambeyntii.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS