Dhawaan ayay ahayd markii muran uu soo kala dhexgalay dawlada Sucuudiga oo hub ka iibsan jirtey Sweden oo Sweden sheegtay in ayna hub dambe ka iibin doonin Sucuudiga oo ku tunta xuquuqda aadamiga ayna yihiin kuwa taageera argagixisada caalamiga ah sida IS, Talibaan, Shabaab iyo kuwa kale isla markaana dadka Somalida karbaasha kadibna soo masaafuriya ayaa dawlada Somaliya ee diciifka ah ay la safatay Sucuudiga.
Sababta ayaa dad badan ku sifeeyeen in ayna diin shaqo ku lahayn ee ay tahay kaliya dhaawac Sucuudigu u qaaday dalkiisa muddo bil ah kadib qaraxii argagixisada shabaab. Labada dal ayaa kala qaatay safaaradaha iyo Sucuudiga oo ku dul ooyay carabta kale in ay la saftaan.
Somali badan ayaa si sharafa iyo ictiraaf ugu nool Sweden halka kuwa ku noolaa Sucuudiga oo Muslima ay ku noolyihiin cabsi iyo hanjabaad.
ARAG Warsaxaafadeed uu soo saaray Xasan Sheekh.
“Hab dhaqankan waxaa uu mamnuuc ka yahay hanaanka iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya wadamada kala madax banaan sida uu qabo xeerarka caalamiga ah”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.
War saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Ahmiyadda ugu horeysa ayaa ah in la xoshmeeyo madax banaanida iyo qaabka dowladda u sameynayso hanaankeeda dowladnimo iyadoo aan lagu sameynaynin wax fara gelin dibadda ah.
Tani waa mabaadii’da aas aasiga oo caalamka uu xasaaniyad u ah,waan sida Soomaaliya ay rajaynaso in ay u dhaqmaan dhamaan wadamada xubnaha ka ah Bulshada caalamka.
Diinteena Islaamka waa Diin barako waxayna dadka u keentay in ay ilaaliso sharafta iyo Xoriyadda dhamaan ilmaha Nabi Aadan.
Sidaas darteed Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo hanaankeeda garsoorka in ay ka dhiidhiyaan arimahan oo kale, ma ahan dadka iyo dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya waa dhammaan wadamada caalamka Islaamka ayaa lagu soo geba gebeeyay Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS