Faahfaahin isqarxin argagixisadu ka fulisay Hoteel Naasa Hablood oo ku yaal Muqdisho. Magaalada Muqdisho ayaa galabta waxaa ka dhacay Qaraxyo, kuwaa soo ka kala dhacay Degmada Xamarweyne iyo daljirka Dahsoon.
Qaraxa koowaad ayaa loo adeegsaday gaari laga buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, waxaana uu ka dhacay Hoteel Naasahablood 2 oo ku yaalla degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa ku dhintay Qaraxaasi ku dhawaad 10 qof, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo. Qaraxa labaad ayaa waxaa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo lasoo dhigay Agagaarka daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay ka war hayeen Qaraxaasi,islamarkaana ay dadka Shacabka kaga digeen in ay halkaasi ka agdhawaadaan.
Saraakiisha Amniga iyo dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Qaraxaasi oo asna loo adeegsaday Gaari uusan geysan Khasaare.
Argagixisada ayaa dhoola cadaynaysay markii ay dileen in ku dhow 400 oo qof bishaan 14 keedii.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS





Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay