10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadley xasuuqii hoteel Naasa Hablood

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadley xasuuqii hoteel Naasa Hablood halkaas oo tirade marayso ilaa 25 qof inkastoo ay ka badnaan karto. Argagixisada ayaa ku faantey xasuuqa iyo hantida dadka ee ay banaysteen.

“ Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo caafimaad deg-deg ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarkaan mid ay doonayaan Al-Shabaab in ay ku cabsi galiso shacabka Soomaaliyeed ee ku baraarugay musiibadii 14ka Oktoobar, taas oo horseedday midnimo iyo istaakulayn ay muujiyeen shacabku dal iyo dibadba.

“Waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee is garab-istaagay xilligii adkaa iyaga oo muujinaya sida ay uga go’antahay in ay ka qayb qaataan abaabulka lagu nabadaynayo dalka.”

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS