12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Bakistaan oo diiday in ay qayb ka noqoto weerarka gardarada ee Sucuudigu ka wado Yaman

Islamabad–Dawlada Bakistaan ayaa sheegtay in ayna ka qayb qaadan doonin dagaal lagu qaado Xoogaga Xuutiyiinta ee ay xukunka isku hayaan madaxweynihii xukunka laga tuurey oo ay taageeraan Maraykanka. Bakistaan ayaa dhinaca kale sheegtay in ka shaqayn doonto sidii aan Muslimiinta loo kala dilin, balana u qaaday in ay difaacdo haddii Sucuudiga la soo weeraro.

Waa wajigabaxii ugu horeeyay ee ku yimaada Sucuudiga oo taageero dhinaca sirdoonka ka helaya Maraykanka weerarka uu ku hayo goobaha ciidamada iyo dadka shacabka ahi degan yihiin ee Yaman.

Sucuudiga ayaa raba in lagu goobto Xuutiyiinta ilaa hadana kuma dhacayo in uu kaligii la dagaalamo ama weerar soo qaado wuxuuna rabaa in dalalka fiqiirka ah ay dagaalka la galaan.

Wasiirka difaaca ee Bakistaan ayaa barlamaanka u sheegay in Bakistaan ka shaqayn doonto sidii ay nabad uga dhalin lahayd muslimiinta ee ayna diyaar u ahayn in ay ka qaybqaadato arin muslimiinta lagu kala gaynayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS