Muqdisho–Raiisal Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid ayaa shaaca ka qaaday tirade xasuuqii argagixisada shabaab oo uu ku tilmaamay mid diin sal iyo raad toona ku lahayn kuna tilmaamay mid wuxuushnimo. Raiisal Wasaaraha ayaa sheegay in dadki la xasuuqey ay toban ahaayeen dad shacaba.
Mudane Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale sheegay in dawlada Imaaraadku ay markiiba soo waceen ayna diyaar u yihiin in ay qaadaan dhaawaca huteelka oo lagu sheegay ila 13 qof oo shacaba.
Raiisal wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ”“Waxaan halkaan ka sheegayaa sida aan ula murugey-sanahay qoysaska dadkoodu ku dhinteen, waxaana ogahay xanuunka ay arintaan leedahay, waxaana halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaska, ehelka iyo dhamaan asxaabta dadkoodii uga geeriyoodeen weerarka argagaxiso, Waxaana si khaas ah tacsi ugu dirayaa qoysaskii ay ka baxeen Marxuum Yusuf Ismaciil Bari-bari oo ahaa safiir shaqo muhiim ah u hayey shacabka Soomaaliyeed iyo Marxuumad Farxiyo Bashir Nuur oo ahayd aqoonyahanad dalka u timid inay ku biiriso aqoonteeda. Waxaana Ilaahay uga baryayaa inuu siiyo caafimaad taam ah dadkii ku dhaawacmay”
“Waxaan halkaan amaan uga soo jeedinayaa laamaha amnigu talaabadii geesinimada lahayd ee ay ku soo bad badiyeen dad faro badan oo ku xanibnaa gudaha Hotelka, waxana ku boorinayaa laamaha amniga iney muujiyaan feejignaan dheeraad ah, si shacabka looga bad baadiyo kooxaha doonaya iney dhibaateeyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS