04/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Caruur laga soo furtey argagixisada oo la dayacay iyo halka ay joogaan

Caruur laga soo furtey argagixisada ayaa laga soo waramayaa in xaaladoodu liidato. Caruurtan oo gaaraya 30 ayaa dawlada Somaliya ku soo furatey dagaal ay ku qaadeen argagixisada.



Xerada caruurtani ku jirtey ayaa argagixisadu ku bari jirtey sida dadka loo xasuuqo. Caruurtaan oo caqligoodu ku filneyn ayaa loo kexeeya furimaha dagaalada si ay u fuliyaan hadafka argagixisada.



Dhalinyaro ka mid ah kuwa ku nool Muqdisho oo xarunta Xalane ku booqatay caruurtaasi ayaa waxa ay sheegeen inay soo arkeen qaarkood oo xaaladooda caafimaad ay liidato, nabaro kala duwana jirkooda uu ka muuqdo.

Laamaha dawlada ayaa loogu baaqay inay dib u eegaan xanaanada caruurta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS