Safiirka Somaliya u fadhiya Yurub ayaa booqdey dhalinyarada lagu haysto Liibiya. Danjire Cali Fiqi iyo Koox la socotay ayaa waxa ay booqdeen Xabsiga Khubz oo ku yaal meel 93 KM u jirta Caasimada Liibiya ee Tripoli.
Waxa magaaladaasi ku xirnaa ilaa 83 ruux oo dhalinyaro Gabdho iyo Wiilal isugu jira. Waxa xeradaasi loogu gaysanayo jirdil iyo kufsi joogta ah ayadoo sidoo kalana baad laga qaado.
Dhalintan ayaa qaarkood ka sheekeeyay dhacdooyin murugo leh, sida saaxiibadood oo hortooda ku nafbaxay maydkoodana ay ka tageen iyo dumar si joogta loo kufsado.
Dhalintan gabdhaha iyo wiilalka leh ayaa waxa ka hioreeyay kuwa kale oo Yurub ku galay khadkan waxana ay ku socdeen kuwii horeba galee ana maxaa I dhigey, weyna u bareereen kufsiga iyo jirdilka iyo inay waalidkood niyadxumo ku ridaan.
Tirada dumarka ee ku dhalay Yurub laguna soo uureeyay Liibiya ayaa xad dhaafa.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay