20/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Faahfaahin ka soo baxaysa qarax argagixisadu la eegatay maqaaxi ku taal Muqdisho

Muqdisho–Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay maqaaxi u dhow huteel Central ee magaalada Muqdisho oo ay gaysteen argagixisada shabaab ayaa sheegaya in afar qof ku dhinteen dad badana dhaawac yihiin. Maqaaxidan ayaa laga cuntaynaayay xilli dadku markaas uun ay dhamaysteen salaadii duhur.

Maqaaxida uu Qaraxa ka hordhacay ayaa waxaa lagu Magacaaba Panooda Restaurent, iyadoona qaraxa kadib ay halkaasi buux dhaafiyeen gaadiidka gurmadka.

Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa gaariga qaraxa lagu fuliyay, goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaariga uu ahaa nooca raxaada ah ee loo yaqaan Markeet-ka, halka qaarna ay sheegen inuu ahaa gaari Karoole ah.

Dadka dhaawacmay iyo kuwa geeriyooday waxa ay u badnaayen dadkii ka cunteynayay iyo Maamulka Maqaaxida.

Dhanka kale Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia ayaa gaaray goobta Qaraxa uu ka dhacay oo aan ka fogeyn Madaxtooyadda Somalia.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS