20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Qaban qaabiyihii argagixisada u qaabilsanaa qaraxyada iyo duubista xasuuqyada oo la xukumay

Qaban qaabiyihii argagixisada u qaabilsanaa qaraxyada iyo duubista xasuuqyada ayaa la xukumay. Maxkamada oo u fadhiisatey xukunka ninkan lagu qabtey lagu helay asagoo dambiga faraha kula jira.



Argagixiskan oo lagu magacaabo Jaamac Xuseen Xasan ayaa qirtey laakiin ku dacwoodey inay ahayd marki ugu horeysay ee uu sameeyo taas oo beenowday markii la daawadey muuqaalada naxdinta leh ee uu duubey.



Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa u caddaatay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay,waxayna Maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’in ,waxayna Maxkamaddu intaasi raacisay in cidii ku qanacsaneyn Xukunka Maxkamadda u furan tahay racfaan.



Waxa la rajaynayaa in aan argagixiskan xasuuq duubaayay aan lagu sii deyn ummada Muslimiinta dhexdeeda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS