Dawlada Farmaajo ayaa faro kulul ku haysa musuqmaasuqa ay qaataan masuuliytiinta dawlada u shaqeeya iyo taliyeyaal loo xirey laaluush ay qaateen.
Musuqa ayaa faraha goostey ayadoo waxba kuu dhaqaaqayn Somaliya oo dhan inaad laaluush xaaraana bixiso mooyee.
Maamul jufeedyada ayaa ah goobaha ugu daran ee ayna ka jirin amar iyo kala dambeyn dadkuna ku dhiban yihiin.
Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Soomane Xuseen oo ahaa taliyaha Ciidanka Booliska saldhiga degmada War dhiigley iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq taliyaha Baarista Dambiyada Saldhiga iyo Kormeere Labaad Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsanaa Ciidamada saldhiga degmada ayaa lagu soo eedeeyay in ay qaateen lacag laauush ah.
Waaxda baarista musuqmaasuqa ayaa baaritaan ku bilowdey ayadoo saraakiishaas jeelka loo taxaabay sida ay sheegtay dawlada Muqdisho joogta.
Daraad ayay ahayd markii wasiir ku xigeenka arimaha dibedda lagu fashilmey in la soo xiro asagoo lagu haysto wax isdaba marin.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay