Saturday, February 23rd, 2019
header

Deg deg: Meydka Somali laga helay kaniisad ku taal Jigjiga

Meydka Somali laga helay kaniisad ku taal Jigjiga kadib rabshadihii iyo bililqadii la socotey ee ka dhacay sabtidii ina soo dhaaftey. Meydkan Somalida ah ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa sideed si xun loo jarjaray jirkooda.



Dadka ayaa sheegay in dadkaan loo malaynayo inay dileen Oromo ama ciidankii soo galay magaalada. Dadkan ayaa ku xeraysnaa kaniisad iyo xero ciidan oo ismaamulku.

Wararka ayaa sheegaya in dadkaan laga qabtey magaalada laguna xereeyay kaniisada iyo xerada ciidan. Lama garan karo inay shacab yihiin iyo inay maamulka u shaqaynayeen.



Waxa meydkaan helay ciidanka Liyuu booliiska ee dawlad deegaanka. Waa dhimashadii ugu badneyd ee timaada kadib markii ciidan uu soo direy Abiy Axmed si uu u joojiyo shir ka dhici lahaa Jigjiga oo madaxweynaha deegaanku qabanayay.

Aduunka ayaa walaac ka muujiyay xaalada Jigjiga maalmihii la soo dhaafay iyo iscunka sii kordhaya ee u dhexeeya qowmiyadaha Oromada iyo Somalida oo u badan aargoosi.



Xaalada magaalada Jigjiga iyo Diridhaba maanta:

Jigjiga ayaa maanta degan waxana dib loo furey goobaha ganacsi ayadoo dib u dhis lagu bilaabay goobihii ay waxyeelaysay rabshadaha. Waxa lagu diley dad ka soo jeeda qomiyadaha kale ee Itoobiya sida Oromada iyo Xabashida.



Gobolka Tigreey oo xiriir gaara la leh Cabdi Maxamuud Cumar ayaa iyagu walaac ka muujiyay sheegayna in sharciga la baalmaray. Tigreega ayaa raba inay goostaan.

Welli madaxda Somalida ayaa ka gabanaya inay fagaaraha u soo baxaan sababo amni awgeed, waxana go’an isgaarsiinta internet-ka.

Magaalada ayaan welli si fiican loo baarin maadaama ay ka soo kabanayso qalqalka ay keeneen dadkii bililiqada ku bilaabay. Weyna dhici kartaa in la helo meydad kale.

Dhacdada Jigjiga oo loo rogey mid Oromo iyo Somali u dhaxaysa ayaa ku faaftey Diridhaba oo Oromadu ku gubeen qoys Somali oo haween iyo caruur ku jirto.

Somalida qaar ayaa ka qaxay xaafadaha Diridhaba ay ka degan yihiin ee Oromadu ku badan tahay. Rabshadaha Diridhaba ayaa laga baqayaa inay faraha ka sii baxaan. Dhimashada qoysaska Somalida ah ayaan la tirinin ama kuwa laga dhacay ganacsigooda.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Qalbi aniga waaye: Qiso naxdina oo walaalkeen qabsatey

February, 21, 2019
naxdinWarsame magaciisa saxda ah maaha waa shaqaale ka ...

Muuse Biixi oo loo sheegay inu la shaqeeyo dawlada dhexe

February, 21, 2019
Madaxa maamulka Somaliland oo looga yeetay Itoobiya,ayaa loo ...

Amisom oo laga saarayo xeradii tababarka ciidanka ee Jaalle Siyaad

February, 20, 2019
Ciidanka Afrikaanka ah ee guusha ka keenay la ...

Maxay ka wada hadleen madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo Farmaajo

February, 20, 2019
 Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sugan caasimada Jabuuti halkaas ...

Maxaa ka jira in Farmaajo Muuse Biixi kula kulmayo Itoobiya

February, 20, 2019
Waxa baryahan jirey warar sheegaya in raiisal wasaaraha ...

Dhacdooyinka

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay xagjir Trump

February, 14, 2019
Xildhibaanada laga soo doorto Minasoota ee dalkaasi Maraykanka ...

Muwaadin waxqabad dhaba lagu yaqaaney oo xil la wareegay gobolka Awdal

February, 13, 2019
Dr Maxamed Xaaji Cumar Yaabe oo dad badan ...

Puntland oo ogaatey halka argagixisada dilalka fulisaa isku qariso

February, 13, 2019
Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegtay inay ogaadeen halka argagixisada ...

Siyaasi Cali Faarax oo si adag uga hadley dhalinta xustey xasuuqii SNM ee Awdal lagu xirey

February, 12, 2019
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa si adag uga ...

Saldhiga Imaaraadka aan Berbera ka siinay kiro maaha: Somaliland

February, 9, 2019
Waxa ilaa in muddo ah soo socotey sheekada ...

Dawlada Somaliya oo dacwad la fuushey maraakiib shisheeye

February, 8, 2019
Dawlada Somaliya ayaa dacwad la fuushey maraaiib ajaaniba ...

Boorama oo laga xusey maalinta madow ee 4-ta Feeberweri ee xasuuqii SNM

February, 4, 2019
Maalintan madow ayaa SNM oo wadata askartii Mingeste ...