20/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Muwaadinin Somali ah oo laga soo daayay jeelasha Yugaandha

Muwaadinin Somali ah ayaa laga soo daayay jeelasha Yugaandha. Muwaadiniintan waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka  Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.



Maaha markii ugu horeysay ee dawlada dadaal dheeri ah u gasho soo daynta muwaadiniinta Somalida ee siyaabo kala loogu hayso dalal kala duwan.



Lixdan dhalinyaro ayaan la sheegin wixii markii hore loo xirey. Dhawaan ayay ahayd markii 60 tahriibeyaala laga soo celiyay Liibiya halkaas oo loogu gaystey kufsi iyo tacadiyo kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS