Siiriya–Dawlada Siiriya ee weerarka ay ku hayaan Sucuudiga, Qadar iyo Turkiga ayaa ciidankeeda ka saartey kontaroolkii ugu dambeeyay ee ay ka joogeen xadka ay la wadaagaan Ciraaq halkaas oo gacanta u galay dhiigmiiratada Daacish oo qixiyay kumanaan muslimiina. Argagixisada Salafiga ee Daacish ayaa magaalada Ramaadi ee Ciraaq ku qixisay kumanaan shacab muslimiina kuwaas oo caruurta iyo dumarku bseexdeen banaanka.
Kor u kaca Daacish ayaa waxa inta badan keena tamar la’aan haysa ciidamada qaranka ee Ciraaq iyo Siiriya halkaas oo Salafiga Sucuudiga iyo Qadar ay malayiin doolar galiyeen sidii ay u tirtiri lahaayeen dalka Siriya oo hadda dadkiisii Suni iyo Shiico ay banaanka jiifaan.
Dawlada taagta daran ahna tan ugu dambeysa kala dambeyn iyo dawladnimo Siirya ayaa ciidankeedu meelkasta faarujiyaa iyagoo waaya gurmad ah mid diyaaradeed iyo mid ciidan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM



Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay