07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Raiisal Wasaare Xasan Cali oo ku tukaday marxuun Cabdi Xoosh: SAWIRO

Waxa maanta dalka lagu soo celiyay Allaha u naxariistee meydka wasiirkii hore ee dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil oo ku geeroyooday magaalada Dubey ee cariga Imaaraadka. Wasiirka ayaa in muddo ah xanuusanaa.

Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaalya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaal madiina.



Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Marxuumka Allaha uga baryay in uu u naxariisto, ayaa caddeeyay in uu xukuumaddiisa uu ka baxay mid kamid ah wasiirradii ugu kartida badnaa isaga oo ku sifeeyay Wasiir Cabdiraxaan Xoosh in uu ahaa halyaay qaran oo ay ku wayntahay Soomaalinimada, daacad ah, howl kar ah, ka maran musuq-maasuq, shaqo badannada geliyay qabya-tirka dastuurka iyo qoriddii dastuurka KMG ee hadda lagu shaqeeyo.



Marxuum Cabdi Xoosh oo dhashay 1956, oo waxbarashadiisa heer jaamaadeedna ku qaatay dalka Kanada, ayaa xubin ka ahaa barlamaanka, waxa uuna sidoo kale laba jeer noqday wasiirka Arrimaha Dastuurka, isaga oo hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee laga ansixiyay August 2012-kii.

Hoos ka daawo hab maamuuskii loo soo dejiyay marxuun Cabdi Xoosh

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS