Waxa gobolka Galguduud ka dhacay af-duub ay gaysteen argagixisada kooxda gaalaynta una gaysteen aabo iyo wiilkiisa deegaan aan ka fogeyn degmada Guri-ceel. Dadka deegaanka oo cabsi hayso ayaa la soo xiriiray laamaha amniga kana gudbiyay cabasho.
Sida dadka deegaanku sheegeen argagixisada kooxda gaalaynta ayaa sidii caadiga ahayd u yimi inay baad ka qaadaan, waxase abaha iyo wiilku go’aansadeen inayna bixin baada xaaraanta ah.
Qoryaa loola soo baxay sidiina way ku afduubteen lamana garanayo halka ay gaysteen ayuu yiri Jaamac oo goobjoogec ahaa. Argagixisada ayaa dila dadka baada u diida kuna tilmaama kuwa diinta ka baxay.
Maamulka degmada Guri-ceel ayaa sheegay inay gurmad ka daba direen muwaadiniintaas dhiigmiiratadu afduubatey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay