13/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wasiirka arimaha dibedda muxuu ku soo arkey safaarada Somalida ee Yugaandha: SAWIRO

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad ayaa soo kormeeray xaaladda safaaradda ee Yugaandha ay ku sugan tahay. Kormerka safaarada kadib wasiirka ayaa kulan la qaatey shaqaalaha ka shaqeeuya safaarada.



Wasiir Axmed Ciise ayaa inta uu kormeerka ku jiray soo arkay dhismo cusub iyo dayactir ka socday safaaradda oo lagu dhisayay xafiisyada Waxbarashada, ganacsiga iyo warfaafinta oo dhawaan dib u habanayn lagu sameeyay.

Wasiirka ayaa dhegeystay misjkiladaha haysta shaqaalaha iyo safaaradaba. Shaqaalaha Ayaan muujin inay jirto wax cabasho ah.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS