29/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dil laga argagaxay oo ka dhacay gobolka Mudug

Waxa xalay saqdii dhexe ka dhacay gobolka Mudug gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Xaafoodle dil laga argagaxay oo lagula kacay 3 nin oo hsl qoys ka soo wada jeeda oo hurday xilliga la diley.

Qoyska mashaqada loo geystay ayaa dhawaan ka soo hayaamay dhanka degmada Towfiiq ee isla Gobolka Mudug oo ay degaan ahaan ka soo jeedeen.



Dhinaca kale Gudoomiyihii degmada Towfiiq ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdulqaadir Axmed uu gurmad ahaan u aaday goobta dhibaatadu ka dhacday ayaa dhaawac ka soo gaaray rasaas gaarigiisa haleeshay.

Rasaasta ayaa la sheegay in ay rideen dad reer guuraa oo ka shakiyay gaariga gudoomiyaha xilli uu ku socday halka mashaqadu ka dhacday.

Dilkaan xalay ka dhacay tuulada xaafoodle ayaa waxa la sheegayaa inuu salka ku haayo arrimo aano qabiil ku saleysan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS