Sunday, May 19th, 2024
header










Meta







Somaliya oo markale yeelaysa ciidanka badbaadada badda: SAWIRO

Somaliya ayaa tababar u furtey ciidan loogu talogalay dadka ku hafta biyaha badda inay soo badbaadiyaan. Tababarkan ayaa ku kooban Muqfidho iyo garoonka diyaaradaha waxase la rajaynayaa in gobolada dalka lagu faafiyo. Somaliya ayaa hore u lahaan jirtey ciidan sidana laakiin raacay burburka.



Maxamed Cabdiwahaab hogaaminayay kooxda loo diyaariyay  badbaadinta dadka ku hafta biyaha haddii ahadii ay dhacdo lama filaan ah qabsato ayaa sheegay in ay haystaan xirfad iyo tababaro ku filan oo ay ku gudan karaan waajibaadka loo igmaday, wuxuuna xusay in ay diyaar u yihiin in ay bulshadooda u adeegaan.



Sareeya Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo goob joog ahaa  ayaa la wareegay dhul loogu talogalay in xarun looga dhiso Ciidanka Ilaalada xeebaha Soomaaliya  gaar ahaan kuwa ilaalada xeebta garoonka, wuxuuna taliyuhu muujiyay in ay diyaar u yihiin sidii ciidankaasi ay u qabsan lahaayeen waajibaadkooda.



Wasiirka  gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa sheegay in ciidanka ay qeyb ka yihiin Hormarinta Garoonka, islamarkaana amnigiisa uu noqon doono mid meeshii laga rabay gaara.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...