Safaarada Somalidu ku leedahay Suudaan ayaa baaq u dirtey Somalida ku nool dalkaasi xilli nadaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan Al-bashiir lagu hubsadey guri xabsi ah oo ciidanku ku sheegay in ay tahay goob amaana. Golaha ciidanka ee xukunka la wareegay ayaa sheegay in dawladii la kala direy, dastuurkiina la hakiyay.
Waxay kaloo sheegeen in hawada dalku xiran tahay muddo 24 saacadood ah dalkuna ku jiro xaalad deg dega si loo soo celiyo amarka iyo kala dambeynta oo u muuqda inuu faraha ka baxayo.
Waxa kale oo la xirey xadka dalku la wadaago wadamada jaarka oo hadii ay jiraan Somali tahriiba ayna geli karin. Hadaba safaarada Somaliya ayaa soo saartey laba lamber oo ay sheegtay in dadku kaka soo xuriiraan gaddii ay la kulmaan xaalad deg dega ah.
Labadaa lambar ayaa kala ah:
00249-966233354
00249-967375947
Waxa mudada qasku socday batey kufsiga iyo dilalka qorsheysan iyo dhaca sida sy sheegeen golaha askarta ee dalka la wareegay.
Sawirka hoose waa wasiirka difaaca Suudaan ee dhaqangeliyay isbedelka
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay